FEMALE GENITAL MUTILATION

Background FGM

Gudniinka gabdhaha oo sidoo kale loo yaqaan gudniinka fircooniga ah, waa dhaqamo caafimaad darro ah oo loo sameeyo gabdhaha yaryar. Wa tallaabk ku lug leh jarista ama dhawac gaarista xubnaha taranka ee haweenka iyada oo aan loo baahnayn caafimaad ahaan.

 dhaqankan waxaa sameeya bulshooyin kala duwan oo aduunka  ku nool oo ay ku jiraan soomalida. Inkastoo oo uu yahay dhaqameed wuxuu horseedi karaa dhibaatooyin caafimaad  oo badan  sida infekshan,xanuun joogta ah , cudurro caafimaad  oo kala duwan  iyo dhibatooyin ku  yimaada uurka iyo dhalmada  waxaa  loo arkaa mid kahor imaanaya xuquuqda aadanaha  waana mamnuuc dalal badan.

Gudniinka gabdhaha waxa uu ku xiranyahay dhaqanka iyo soo jireenka bulshada waxaa jira dadaallo badan oo caalami ah oo lagu joojinayo dhaqankan waxana jira  ururo iyo shakhsiyaad soomaaliyeed oo kasoo horjeeda dhaqankan isla markaan u ololeeya xuquuqda gabdhaha iyo haweenka.

Ururka somali canadian federation and development (SCFD) wuxuu si firficoon uga shaqeeya sidii loo joojin lahaa gudniinka gabdhaha (FGM)  ee bulshada  soomaaliyeed ee ku nool kanada , hawlahood waxay diiradda saarayaan dhowr meelood muhiim ah:

1.Ololeyaasha wacyigelinta: SCFD waxay qabtaan barnaamijyo waxbarasho di kor loogu qaaado  wacyiga ku saabsan khatarah caafimaad iyo xadgudubyada xuquuqda aadnaha ee la xidhiidha FGM ololayaashani waxay u jeedadoodu tahay in bulshada lagu wargeliyo cawaaqibta sharci iyo dhawaac jidh ahaaneed iyo mid maskaxeed ee FGM.

2.Hawl bulsho:ururku wuxuu  lashaqeeyaa hoggaamiyeyaasha bulshada dadka diinta ku xeel dheer  iyo qoysaska  si looga  hadlo arrimaha dhaqanka iyo  bulshada ee sii haya FGM iyadoo la adeegsanaayo dood iyo wada hadal waxay raadinayaan inay beddelaan caqiidooyinka iyo dhaqamada taageera FGM.

3.Adeeyada taageerida:SCFD waxay bixiyaan adeegyo tageero oo loogu talagalay dadka  ka badbaaday FGM  oo ay ku jiraan  la-talin daryeel caafimaad iyo adeegyo bulsho waxay ka shaqeeyaan abuurista  meelaha amniga ah ee haweenka iyo gabdhaha  ay saameeyeen  si ay ula wadaagan waayo-aragnimadooda oo ay helaan  caawimaadda ay ubaahanyihiin.

4.U Doodeyaal iyoshaqo sharciyeed:SCFD waxay udoodeysaa sharciyo iyo siyaasada adag oo ka dhan ahFGM  ee kanada  waxay la shaqeeyaan hay’adaha ,dowlada bixiyeyaasha daryeelkacaafimaadka,iyo ururadakale si loo hubiyo in ay jiraan tallabooyin waxtar leh oo lagu  joojinayo FGM  iyo taageerada dadka ka badbaaday.

5.Aqoon-isweydaarsiyo iyo tababaro:ururku wuxuu qabanqaabiyaa  aqoo-iswedaarsiyo iyo tababaro loogu talagalay xirfadlayaasha ,daryeelka caafimaadka , macallimiinta ,iyo shaqaalaha  bulshada  si loogu qalabeeyo aqoonta iyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah in lagu aqoonsado oo loo taageero dadka khatarta ugu  jira ama ay saameeyeen FGM .

Dadaalladan dexdeeda ururka soomali candian federation and development wuuu hiigsanaya in uu soo afjaro FGM  eebulshada  soomaaliyeed ee ku nool kanada iyo in uuu taageero dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee ka dhanka ah dhaqanka waxyeelada leh.

Gudniinga gabdhaha (FGM)  waa xadgudub Aadanaha oo ku lug leh in la jaro qayb ka mid ah ama dhammaaan  xubnaha taranka haweenka  ee dibbad ama dhawaac kale  oo loo gaysto xabunaha taranka haweenka sababo aan caagimaad ahayn . Waxa lagu aqoonsaday  caalamka inuu yahay xadgudub xuquuqda gabdhaha iyo haweenka FGM ma laha wax faa,iido caafimaad ah waxaana badanna keena dhibaatooyin caafimaad oo daran.

Gudniinga fircooniga ( FGM) waa dhaqan  xanuun badan  oo dumar badan  ka mid ah lagu sameeyo ,gaar ahaan

Meelo badan  oo  kamid ah  Afrika ,iyo qaar ka mid ah Bariga dhexe iyo Aasiya.waxaa jira xanuun,dhinaatooyin caafimaad,iyo samaynta xun ee nafsaaniga ah oo ka dhalata.

Gudniinga fircooniga (FGM) waa dhaqan dhibaato leh oo si weyn  u sameeya gabdhaha caafimaadkooda,nafsaddooda iyo noloshooda guud  samaynta uu leeyahay waxaa ka mid ah.

Saameynta caafimaad

1.Dhiig Bax:Gudniinga fircooniga wuxu sababi karaa dhiig bax daran,taasoo khatar gelin karta nolosha gabadha.

2.Caabuq:Dhiibaatada katimaada qalabka aa nadiifka ahayn iyo xaaladaha aan caafimaadka u habbonayn waxay keeni karaan caabuqyo halis ah.

.Dhibaatooyin kaadi mareenka:Gubida ama jeexitaan  ayaa sababi kara  dhibaatooyinka kaadi  mareenka  sida isku furanka iyo xanuunka  kaadi raaca.

.Dhibaatooyinka Dhalmada: Gabdhaha gudniinga fircooniga lagu sameeyo waxay la kulmi karaan dhibaatooyin dhalmada sida dhalmo kadeedan iyo  dhalmo ku xanuunsadan

Saameynta Nafsiga

Murug iyo walbahaar: FGM wuxuu keeni karaa murug iyo  walbahaar joogto ah.taasoo   saameyn xun ku  leh maskaxda gabdhaha.

2.Xusuus xanuun leh: Gabdhaha waxaa ku sii waaraya xusuusta xanuuna iyo dhibaatada loo gaystay taasoo ku keeni karta cabsida iyo welwelka joogta ah.

3.Nafta oo la Naco: Gabdhaha qaar waxay dareemi karaan in la dulmiyay taasoo keenta in ay naftooda nacaan oo ay dareemaan  in aan la ixtiraamin.

Saameynta Bulsho

1.Cadaadis Bulsho:FGM waxaa badanaa laga fulinayaa cadaadiska bulshada iyo dhaqanka ,taasoo keenta in gabdhaha la qasbo iyagoo aan rabin.

2.Xadgudub xuquuq:FGm waa xadgudub xuquuqda aasaasiga aha ee gabdhaha gaar ahaan xuquuqda caafimaadka iyo sharafta qofka.

3.Samaynta waxbarasho iyo horumar:Gabdhaha soo mara FFGM waxay la kulmi karaan caqabado ka horjoogsan kara iyo horumarka nolosha.

Natiijooyinka muhiimka ah (key findings)

1.Caafimaad daro:FGM waxay sababi karta dhiigbax,caabuqyo dhibaatooyin kaadi mareenka iyo dhalmada  iyo xaalado nafsaaniga ah sida cabsida iyo murugada.

2.Xadgudubka xuquuqul isaanka:FGM waa nooc ka mid ah xadgudubyada  xuquuqda aasaasiga ah ee haweenka iyo gabdhaha oo ay ku jiraan xuquuqda caafimaadka, amniga,iyo jiritaanka sharafta.

3.Saameynta Dhaqan iyo bulsho: Dhaqan FGM waxa laga yaabaa in uu xidhiidh la leeyahay fikirado qaldan oo ku saabsan caddaynta iyo guurka gabdhaha.

Talooyin(Recommendation)

1.Wacyi-gelin iyo Barnaamijyo waxbarasho:kor u qaadida wacyiga bulshada iyo barnaamijyada waxbarashada ee ka hortagga FGM, gaar ahaan  deegaanada dhaqan-ka fircooniga ahi uu ku badan yahay .

2.Taageero caafimaad iyo nafsi:Bixinta adeegyo caafimaad iyo nafsiyeed oo gabdhaha iyo haweenka soo maray FGM-ka ay ka faa,iideysan karaan.

3.Sharciyada iyo wax ka qabashada xadgudubyada: hirgelinta iyo adkeynta sharciyada ka dhanka ah FGM,iyo  in caddaalad la horkeeno kuwa dhaqankan sameeya.

4.Taageero  dhaqaale iyo bulsho:taageerida haweenka iyo qoysaska ay ku jiraan si ay uheli karaan fursado dhaqaale iyo bulsho oo beddelan.

Mudnaanta(priority)

1.Bixinta caawinad degdeg ah: Caafimaad iyo nafsi ku habboon gabdhaha iyo haweenka  ay saamaysay FGM-ka

2.Xoojinta wacyi- gelinta:Ballaarinta ololaha wacyi-gelinta si loo kordhiyo fahamka dhibaatada FGM iyo si looga hortago .

3.Taageero iyo horumarin : horumarinta barnaamijyada taageerada ee haweenka iyo gabdhaha si ay u helaan fursado cusub oo nolosha ah.

Gunaanad (conclusion):FGM waa dhaqan  dhib badan oo burburinaya caafimaadka  iyo xuquuqda  aasaasiga ah ee gabdhaha iyo haweenka  waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo dadaallo wadajir ah oo ay ka mid yihiin wacyi-gelin’ taageero caafimaad  Iyo nafsiyeed hirgelinta sharciyada  iyo bixinta taageero dhaqaale iyo bulsho  kaliya iyaadoo la iska  kaashado in la joojiyo FGM ayaa la xaqiijin karaa mustaqbal caafimaad qaba iyo sharaf leh oo gabdhaha iyo haweenka ah.

END FGM

Gudniinka gabdhaha (FGM) dhaqamo dhaawac  soo gaarsiiya gabdhaha iyo haweenka oo aan faa’iido caafimaad lahayn, dhaqanka wuxuu sababi karaa dhibaatooyin caafimaad oo badan sida infekshan,xanuun joogta ah dhawaac joogta ah iyo dhibaatooyin  Caafimaad  ee soo wajahda gabdhaha iyo haweenka marka ay uurka leeyihiin ama marka ay dhalayaan , si looga hortago loona joojiyo FGM waxa lasameeyay ololayaal iyo dadaallo badan oo kala duwan.

1.wacyi-gelinta bulshada: ololayaasha waxay diiradda saarayaan in bulshada  la wargeliyo cawaaqibka caafimaad iyo mida sharci  ee la xiriirta FGM  waxa la qabtaa  kulamo, seminaaro,iyo barnaamijyi  wacyigelin ah oo loogu talagalay bulshada gaar ahaan  waalidiinta, hoggaamiyeyaasha diinta ,iyi kuwa dhaqanka

2.Sharciyo iyo siyaasao adag:dalal badan  oo ay  ku jiraan kanada  waxay sameeyeen shariyo  mamnuucaya FGM sharciyadan  waxay u jeedadoodu tahay  in layareeyo  loona joojiyo  gudniinka gabdhaha  iyada oo la adkeynayo  ciqaabta kuwa kadambeeya .

3.Taageerida dadka  ka badbaaday: waxaa  la sameeyey xarumo iyo adeegyo taageero si loogu caawiyo gabdhaha  iyo haweenka  ka badbaaday FGMadeegyadan  waxaa ka mid  daryeel caafimaad la-talin nafsi ah iyo taageero  bulsho .

4.La shaqeynta hoggaamiyeyaasha diinta iyo dhaqanka:waa muhiim in hoggamiyeyaasha diinta iyo dhaqanka  loo bandhigo khataraha  FGM si ay u noqdaan kuwo ka hor  yimaada dhaqankan  oo ay bulshada  ku  dhiirrigeliyaan in ay joojiyaan.

5.Dhalinyarad iyo waxbarashada:dhalinyarada  iyo ardayda waxaa lagu wacyigelinayaa dugsiyada iyo jaamacadah si loo  hubiyo in jiilka soo socda ay ka warqabaan dhibaatada FGM  oo ay ka hortagaan.

Dadaalladan ayaa ka mid ah kuwa ay sameeyaan  ururad kala duwan   sida  ururka federalka soomaaliyeed ee kanada si loo joojiyo FGM  loona  ilaaliyo  xuquuqda  haweenka  iyo gabdhaha , ujeedadu  waa in la abuuro bulsho caafimaad qaba oo sharaf leh oo aan gabdhaha iyo haweenka  loogeysan  waxyello caafimaad darro ah.

Qaxoontiga kenya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *