
Background FGM
Gudniinka gabdhaha oo sidoo kale loo yaqaan gudniinka fircooniga ah, waa dhaqamo caafimaad darro ah oo loo sameeyo gabdhaha yaryar. Wa tallaabk ku lug leh jarista ama dhawac gaarista xubnaha taranka ee haweenka iyada oo aan loo baahnayn caafimaad ahaan.
dhaqankan waxaa sameeya bulshooyin kala duwan oo aduunka ku nool oo ay ku jiraan soomalida. Inkastoo oo uu yahay dhaqameed wuxuu horseedi karaa dhibaatooyin caafimaad oo badan sida infekshan,xanuun joogta ah , cudurro caafimaad oo kala duwan iyo dhibatooyin ku yimaada uurka iyo dhalmada waxaa loo arkaa mid kahor imaanaya xuquuqda aadanaha waana mamnuuc dalal badan.
Gudniinka gabdhaha waxa uu ku xiranyahay dhaqanka iyo soo jireenka bulshada waxaa jira dadaallo badan oo caalami ah oo lagu joojinayo dhaqankan waxana jira ururo iyo shakhsiyaad soomaaliyeed oo kasoo horjeeda dhaqankan isla markaan u ololeeya xuquuqda gabdhaha iyo haweenka.
Ururka somali canadian federation and development (SCFD) wuxuu si firficoon uga shaqeeya sidii loo joojin lahaa gudniinka gabdhaha (FGM) ee bulshada soomaaliyeed ee ku nool kanada , hawlahood waxay diiradda saarayaan dhowr meelood muhiim ah:
1.Ololeyaasha wacyigelinta: SCFD waxay qabtaan barnaamijyo waxbarasho di kor loogu qaaado wacyiga ku saabsan khatarah caafimaad iyo xadgudubyada xuquuqda aadnaha ee la xidhiidha FGM ololayaashani waxay u jeedadoodu tahay in bulshada lagu wargeliyo cawaaqibta sharci iyo dhawaac jidh ahaaneed iyo mid maskaxeed ee FGM.
2.Hawl bulsho:ururku wuxuu lashaqeeyaa hoggaamiyeyaasha bulshada dadka diinta ku xeel dheer iyo qoysaska si looga hadlo arrimaha dhaqanka iyo bulshada ee sii haya FGM iyadoo la adeegsanaayo dood iyo wada hadal waxay raadinayaan inay beddelaan caqiidooyinka iyo dhaqamada taageera FGM.
3.Adeeyada taageerida:SCFD waxay bixiyaan adeegyo tageero oo loogu talagalay dadka ka badbaaday FGM oo ay ku jiraan la-talin daryeel caafimaad iyo adeegyo bulsho waxay ka shaqeeyaan abuurista meelaha amniga ah ee haweenka iyo gabdhaha ay saameeyeen si ay ula wadaagan waayo-aragnimadooda oo ay helaan caawimaadda ay ubaahanyihiin.
4.U Doodeyaal iyoshaqo sharciyeed:SCFD waxay udoodeysaa sharciyo iyo siyaasada adag oo ka dhan ahFGM ee kanada waxay la shaqeeyaan hay’adaha ,dowlada bixiyeyaasha daryeelkacaafimaadka,iyo ururadakale si loo hubiyo in ay jiraan tallabooyin waxtar leh oo lagu joojinayo FGM iyo taageerada dadka ka badbaaday.
5.Aqoon-isweydaarsiyo iyo tababaro:ururku wuxuu qabanqaabiyaa aqoo-iswedaarsiyo iyo tababaro loogu talagalay xirfadlayaasha ,daryeelka caafimaadka , macallimiinta ,iyo shaqaalaha bulshada si loogu qalabeeyo aqoonta iyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah in lagu aqoonsado oo loo taageero dadka khatarta ugu jira ama ay saameeyeen FGM .
Dadaalladan dexdeeda ururka soomali candian federation and development wuuu hiigsanaya in uu soo afjaro FGM eebulshada soomaaliyeed ee ku nool kanada iyo in uuu taageero dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee ka dhanka ah dhaqanka waxyeelada leh.
•Gudniinga gabdhaha (FGM) waa xadgudub Aadanaha oo ku lug leh in la jaro qayb ka mid ah ama dhammaaan xubnaha taranka haweenka ee dibbad ama dhawaac kale oo loo gaysto xabunaha taranka haweenka sababo aan caagimaad ahayn . Waxa lagu aqoonsaday caalamka inuu yahay xadgudub xuquuqda gabdhaha iyo haweenka FGM ma laha wax faa,iido caafimaad ah waxaana badanna keena dhibaatooyin caafimaad oo daran.
•Gudniinga fircooniga ( FGM) waa dhaqan xanuun badan oo dumar badan ka mid ah lagu sameeyo ,gaar ahaan
Meelo badan oo kamid ah Afrika ,iyo qaar ka mid ah Bariga dhexe iyo Aasiya.waxaa jira xanuun,dhinaatooyin caafimaad,iyo samaynta xun ee nafsaaniga ah oo ka dhalata.
•Gudniinga fircooniga (FGM) waa dhaqan dhibaato leh oo si weyn u sameeya gabdhaha caafimaadkooda,nafsaddooda iyo noloshooda guud samaynta uu leeyahay waxaa ka mid ah.
Saameynta caafimaad
1.Dhiig Bax:Gudniinga fircooniga wuxu sababi karaa dhiig bax daran,taasoo khatar gelin karta nolosha gabadha.
2.Caabuq:Dhiibaatada katimaada qalabka aa nadiifka ahayn iyo xaaladaha aan caafimaadka u habbonayn waxay keeni karaan caabuqyo halis ah.
.Dhibaatooyin kaadi mareenka:Gubida ama jeexitaan ayaa sababi kara dhibaatooyinka kaadi mareenka sida isku furanka iyo xanuunka kaadi raaca.
.Dhibaatooyinka Dhalmada: Gabdhaha gudniinga fircooniga lagu sameeyo waxay la kulmi karaan dhibaatooyin dhalmada sida dhalmo kadeedan iyo dhalmo ku xanuunsadan
Saameynta Nafsiga
Murug iyo walbahaar: FGM wuxuu keeni karaa murug iyo walbahaar joogto ah.taasoo saameyn xun ku leh maskaxda gabdhaha.
2.Xusuus xanuun leh: Gabdhaha waxaa ku sii waaraya xusuusta xanuuna iyo dhibaatada loo gaystay taasoo ku keeni karta cabsida iyo welwelka joogta ah.
3.Nafta oo la Naco: Gabdhaha qaar waxay dareemi karaan in la dulmiyay taasoo keenta in ay naftooda nacaan oo ay dareemaan in aan la ixtiraamin.
Saameynta Bulsho
1.Cadaadis Bulsho:FGM waxaa badanaa laga fulinayaa cadaadiska bulshada iyo dhaqanka ,taasoo keenta in gabdhaha la qasbo iyagoo aan rabin.
2.Xadgudub xuquuq:FGm waa xadgudub xuquuqda aasaasiga aha ee gabdhaha gaar ahaan xuquuqda caafimaadka iyo sharafta qofka.
3.Samaynta waxbarasho iyo horumar:Gabdhaha soo mara FFGM waxay la kulmi karaan caqabado ka horjoogsan kara iyo horumarka nolosha.
Natiijooyinka muhiimka ah (key findings)
1.Caafimaad daro:FGM waxay sababi karta dhiigbax,caabuqyo dhibaatooyin kaadi mareenka iyo dhalmada iyo xaalado nafsaaniga ah sida cabsida iyo murugada.
2.Xadgudubka xuquuqul isaanka:FGM waa nooc ka mid ah xadgudubyada xuquuqda aasaasiga ah ee haweenka iyo gabdhaha oo ay ku jiraan xuquuqda caafimaadka, amniga,iyo jiritaanka sharafta.
3.Saameynta Dhaqan iyo bulsho: Dhaqan FGM waxa laga yaabaa in uu xidhiidh la leeyahay fikirado qaldan oo ku saabsan caddaynta iyo guurka gabdhaha.
Talooyin(Recommendation)
1.Wacyi-gelin iyo Barnaamijyo waxbarasho:kor u qaadida wacyiga bulshada iyo barnaamijyada waxbarashada ee ka hortagga FGM, gaar ahaan deegaanada dhaqan-ka fircooniga ahi uu ku badan yahay .
2.Taageero caafimaad iyo nafsi:Bixinta adeegyo caafimaad iyo nafsiyeed oo gabdhaha iyo haweenka soo maray FGM-ka ay ka faa,iideysan karaan.
3.Sharciyada iyo wax ka qabashada xadgudubyada: hirgelinta iyo adkeynta sharciyada ka dhanka ah FGM,iyo in caddaalad la horkeeno kuwa dhaqankan sameeya.
4.Taageero dhaqaale iyo bulsho:taageerida haweenka iyo qoysaska ay ku jiraan si ay uheli karaan fursado dhaqaale iyo bulsho oo beddelan.
Mudnaanta(priority)
1.Bixinta caawinad degdeg ah: Caafimaad iyo nafsi ku habboon gabdhaha iyo haweenka ay saamaysay FGM-ka
2.Xoojinta wacyi- gelinta:Ballaarinta ololaha wacyi-gelinta si loo kordhiyo fahamka dhibaatada FGM iyo si looga hortago .
3.Taageero iyo horumarin : horumarinta barnaamijyada taageerada ee haweenka iyo gabdhaha si ay u helaan fursado cusub oo nolosha ah.
Gunaanad (conclusion):FGM waa dhaqan dhib badan oo burburinaya caafimaadka iyo xuquuqda aasaasiga ah ee gabdhaha iyo haweenka waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo dadaallo wadajir ah oo ay ka mid yihiin wacyi-gelin’ taageero caafimaad Iyo nafsiyeed hirgelinta sharciyada iyo bixinta taageero dhaqaale iyo bulsho kaliya iyaadoo la iska kaashado in la joojiyo FGM ayaa la xaqiijin karaa mustaqbal caafimaad qaba iyo sharaf leh oo gabdhaha iyo haweenka ah.
END FGM
Gudniinka gabdhaha (FGM) dhaqamo dhaawac soo gaarsiiya gabdhaha iyo haweenka oo aan faa’iido caafimaad lahayn, dhaqanka wuxuu sababi karaa dhibaatooyin caafimaad oo badan sida infekshan,xanuun joogta ah dhawaac joogta ah iyo dhibaatooyin Caafimaad ee soo wajahda gabdhaha iyo haweenka marka ay uurka leeyihiin ama marka ay dhalayaan , si looga hortago loona joojiyo FGM waxa lasameeyay ololayaal iyo dadaallo badan oo kala duwan.
1.wacyi-gelinta bulshada: ololayaasha waxay diiradda saarayaan in bulshada la wargeliyo cawaaqibka caafimaad iyo mida sharci ee la xiriirta FGM waxa la qabtaa kulamo, seminaaro,iyo barnaamijyi wacyigelin ah oo loogu talagalay bulshada gaar ahaan waalidiinta, hoggaamiyeyaasha diinta ,iyi kuwa dhaqanka
2.Sharciyo iyo siyaasao adag:dalal badan oo ay ku jiraan kanada waxay sameeyeen shariyo mamnuucaya FGM sharciyadan waxay u jeedadoodu tahay in layareeyo loona joojiyo gudniinka gabdhaha iyada oo la adkeynayo ciqaabta kuwa kadambeeya .
3.Taageerida dadka ka badbaaday: waxaa la sameeyey xarumo iyo adeegyo taageero si loogu caawiyo gabdhaha iyo haweenka ka badbaaday FGMadeegyadan waxaa ka mid daryeel caafimaad la-talin nafsi ah iyo taageero bulsho .
4.La shaqeynta hoggaamiyeyaasha diinta iyo dhaqanka:waa muhiim in hoggamiyeyaasha diinta iyo dhaqanka loo bandhigo khataraha FGM si ay u noqdaan kuwo ka hor yimaada dhaqankan oo ay bulshada ku dhiirrigeliyaan in ay joojiyaan.
5.Dhalinyarad iyo waxbarashada:dhalinyarada iyo ardayda waxaa lagu wacyigelinayaa dugsiyada iyo jaamacadah si loo hubiyo in jiilka soo socda ay ka warqabaan dhibaatada FGM oo ay ka hortagaan.
Dadaalladan ayaa ka mid ah kuwa ay sameeyaan ururad kala duwan sida ururka federalka soomaaliyeed ee kanada si loo joojiyo FGM loona ilaaliyo xuquuqda haweenka iyo gabdhaha , ujeedadu waa in la abuuro bulsho caafimaad qaba oo sharaf leh oo aan gabdhaha iyo haweenka loogeysan waxyello caafimaad darro ah.
Qaxoontiga kenya






